Carruur xigtadeeda kala kulmeysa xoog u adeegsi

In lala kulmo xoog u adeegsi waxaa ay ka dhignaan kartaa in:
  • Xoog laguu adeegsado (laga billaabo wax ku dhufasho, hataataqin, xoog u adeegsi xagga galmada la xiriira, silcin iyo handadaad diidmo xagga dareenka ah.
  • Arag ama maqal xoog u adeegsi
  • Arag calaamadaha xoog u adeegsiga (tusaale ahaan calaamado dil, waxyaabo jeexjeexan, baqdin)
  • Dareen sida jawiga gurigu uu yahay

Carruurta badankoodu ogaal way u leeyihiin waxa qoyska ka dhacaya xitaa haddii xigtadu aynan taa u maleyneyn. Carruurtu si dhakhsi ah ayey u dareentaa marka uusan qof xigto ah fiicnaan dareemeynin, laakiin mar walba dareenkooda kama hadlaan. In canug uu si xun dareemayo ama uu welwel dareemayo waxaa taa beddelkeeda ay ka muuqan kartaa dheesha ama si kale oo ku ah hab dhaqankooda.

Sameyn wargelin ka welwelsanaan

Ma ka shakisantahay in canug uu khatar ku jiro? Samey ku wargelin ka welwelsanaan oo ku jeedda hey’adda adeegga bulshada. Hey’adda adeegga bulshada ayaa arrinka baareysa, bixineysa wadahadal taageero, qaadaneysana tallaabooyin lagama maarmaan ah.

Qaar dadka shaqeeya ka mid ah waajib ayey ku tahay in ay sameeyaan wargelin ka welwelsanaan. Waxaa ay tusaale ahaan khuseysaa adigaaga ka shaqeeya dugsiga, hey’adaha caafimaadka ama booliiska.

Taageero iyo caawimaad carruur la kulmay xoog u adeegsi

Xagga hey’adda adeegga bulshada waxa ay carruurta iyo xigtadoodu ka heli karan caawimaad. Tusaale ahaan:

  • Wada hadal taageero
  • Wadahadal kooxeed oo loogu tala galay carruurta
  • Taageero ku aaddan doorka waaliddiinta sida ugu fiican canugga
  • Qof lala xiriiro ama qoys lala xiriiro
  • Tallaabooyin kale haddii xaaladdu ay noqoto mid degdeg ah, tusaale ahaan guri heegaan leh

Haddii ay jirto khatar deg-deg ah, wac mar walba 112.

La xiriir:
Hawl: Socialkontoret
Nambar taleefan: 0225-55165