Dugsi sare

Hadda wixii ka dambeeya degmada Säter lagu ma dhigan doono maaddooyinka barnaamijka qaranka, laakiin waxay degmadu si dhow ula shaqeyneysaa degmooyinka deriska la ah si ay ardayda degmadu uga dhigtaan maaddooyinka barnaamijka qaranka. Codsiga waxbarashada dugsiga sare waxaad u gudbineysaa qaabbilaadda ardayda ee Gobolka Dalarna.Degmada Säter waxay qabanqaabisaa afar ka mid ah shanta barnaamij oo lagu dhigo Xarunta aqoonta ee Dahlander ee xeebta Ljustern. Kuwaas oo kala ah:
  • Mid shakhsi walba goonni loogu eego (IMIND)
  • Mid luuqadda lagu soo bandhigo (IMSPR)
  • Waxbarasho diyaarin ah (IMPRE)
  • Mid xirfadaha lagu soo bandhigo (IMYRK)

Waxbarasho dugsi sare ee degmo kale

Kow iyo toban degmo oo ka tirsan gobolka Dalarna ayaa iska la shaqeeya sidii ay ardayda fursad ugu siin lahaayeen inay dhigtaan nooca waxbarashada ay doonayaan – iyadoo aan loo eegin meesha waxbarashadaas laga qabanqaabinayo. Goobta Gysam waxaad ka heleysaa goobaha laga qabanqaabinayo waxbarashooyinkaas qaranka.

Waxaad sidoo kale codsan kartaa dugsi sare oo ku yaal degmo kale ama dugsi sare oo gaar loo leeyahay. Xaqa loo leeyahay lacagta cuntada jiifta waxaa saamayn ku yeelan kara haddii waxbarashada aad dooneyso inaad bilowdo laga heli karo degaankaaga.