Förskola

Waxaad dugsiga barbaarinta boos ka heli kartaa laga bilaabo marka ilmahaagu sannad buuxsado ilaa uu ka bilaabayo dugsiga hoose.Dugsiga barbaarintu waa meel carruurtu ka hesho farxad, ammaan iyo aqoon. Waa meel ilmahaagu ugu horumarayo hab waafaqsan kartidiisa iyo xaaladihiisa. Dugsiga barbaarinta waxaa sare loogu qaadaa luuqadda, awoodda xisaabta, isticmaalka jirka iyo la dhaqanka dadka. Hawlaha halkaas ka socda waxaa aasaas u ah cayaaro, muusi9g iyo wax-abuur.

Degmada Säter waxaa ku yaal dugsiyo barbaarin oo ay ka mid yihiin kuwo ku yaal bartamaha magaalada, kuwo ku yaal Gustafs iyo Stora Skedvi oo tobaneeyo gaaraya.

Dugsiga barbaarintu wuxuu furan yahay saacadaha 6.30–18 ee maalmaha isniinta ilaa jimcaha.

Dugsiyo barbaarin oo gaar loo leeyahay kama jiraan degmada Säter.

Haddaba si aad boos uga hesho dugsiga barbaarinta waa inaad tahay qof shaqeeya ama waxbarasho ku jira. Ilmaha waalidka shaqadoonka ah ama ilmo kale guriga ku haya wuxuu xaq u leeyahay in uu dugsiga barbaarinta tago toddobaadkiiba 15 saac.

Haddaba si aad boos uga hesho dugsiga barbaarinta waxaa soo gudbineysaa codsi qoraal ah oo ama internet aad ka buuxineyso ama foom warqad ah. Waxaan jecel nahay inaad codsigaas ka soo gudbiso barta internet.

Du8gsiyada barbaarinta degmada S’äter

Dugsiyada barbaarinta caamka ah

Dugsiyada barbaarintu waa kuwo caam ah oo aan wax gaar ah qaabbilsanayn. Micnaha “caam” waxaa laga wadaa meel cid walba u furan – dhammaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin dugsiga barbaarinta laga soo bilaabo dayrta ay buuxsadaan saddex sano.

Wax lacag ah lagama bixiyo dugsiyada barbaarinta caamka ah. Waxayna ka kooban yihiin 525 saac sannadkiiba. Dheereynta waqtiga waxaa la go’aamiyaa sannad-hawleed walba oo cusub. Wuxuu cunuggu dhiganayaa 5 saac maalintii, ee talaado ilaa khamiis, saacadaha 9–14.

Dugsiyada barbaarinta caamka ah kama aysan jiraan xannaano ku salaysan waxbarid (Qoysaska xannaanada carruurta).

Codsiga dugsiga barbaarinta toos uga samee bogga internet (Khaanadda bogga 5aad ku xariiq in codsigaagu ku saabsan yahay dugsiga barbaarinta.)

Codsiga dugsiga barbaarinta caamka ah – foom

Nooc kale oo barbaarin iyo xannaanayn carruur ah

Waxbarasho barbaarin ah oo laga qabanqaabiyo Gustafs iyo bartamaha Säter waxaa ka shaqeeya xannaaneeyayaal u shaqeeya degmada.

Bartamaha degmada Säter waxaa ka shaqeeya laba xannaaneeye oo hawsha ku qabta guriga midkood. Gustafs waxaa iska la shaqeeya saddex xannaaneeye, hawshaas oo lagu qabto maalmaha qaarkood guriga ku yaal dugsiga barbaarinta Konvaljen.

Maxay ku kala duwan yihiin xannaanada iyo barbaarintu?

Waxay ku kala duwan yihiin xarunta xannaanada carruurta iyo dugsiga barbaarintu in dugsiga barbaarintu uu leeyahay qaab dugsi oo lagu hago qorshe waxbarasho. Dhanka kale Hay’adda waxbarashada ayaa talooyin ka bixisa habka loo wado xarumaha xannaanada carruurta.

Farqi kale ayaa ah in shuruudda dugsiyada barbaarintu ay tahay in wax ka dhigaan macallimiin dugsiyada barbaarinta oo ruqsad haysta.