Taageero waddani ah
BRIS 116 110
Talefoon taageero oo loogu tala galay adigaaga dhallinta yar. Xitaa khadka intarneedka waa lagu wada sheekeysan karaa ama e-mail waa la diri karaa. Waxaad ahaan kartaa cid qarsoon.
RFSL:s brottsofferjour 020-34 13 16
Talefoon taageero oo laguugu tala galay adigaaga ah qaniis, mid labadaba u galmooda, mid isaga gudba, mid isaga goosha dhammaan ama waxa oo dhan isku ah loona geysta dembi ama xoog u adeegsi.
Terrafem 020- 52 10 10
Taleefan taageero oo loogu tala galay adigaaga xoogga loo adeegsaday. Luqado kala duwan oo fara badan ayaad taageero ku heli kartaa. Wadahadalku wax lacag ah kuma fadhiyo, mana lagu arkayo warqadda qaansheegadka ee taleefanka. Waxaad ahaan kartaa cid qarsoon.
Brottsofferjouren 0200-21 20 19
Talefoon taageero oo loogu tala galay adigaaga dembiga loo geystay. Waad wici kartaa xitaa haddii aadan swiidhish ku hadlin.