Dugsiga hoose/dhexe

Waxbarashada khasabka ahi waxay waajib ku tahay dhammaan carruurta Iswiidhen ku nool oo da’doodu u dhexeyso toddobo ilaa lix iyo toban sano. Waxbarashadaasina waa mid khasab ah oo bilaash ah. Dhammaan carruurta lix sano jirka ah oo ku nool Säter waxay toos boos uga helaan fasalada barbaarinta ee dugsiyada xaafadaha.Degmada Säter waxaa ku yaal afar dugsi hoose/dhexe oo ay degmadu leedahay.
Caadadu sida ay tahay waxay carruurtu badanaaba dhigtaan dugsiga ugu dhow meesha ay deggan yihiin. Ardayda iyo waalidku waxay dooran karaan dugsi ku yaal degmo kale, ha ahaado mid dowladeed ama mid gaar loo leeyahay.
Dugsiyo hoose oo gaar loo leeyahay kama jiraan Säter, laakiin waxay ka jiraan degmooyinka nagu dheggan ee Hedemora, Borlänge iyo Falun.